Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Ka Soo baxay Kulamada Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Ergayga Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergayga dowladda Qatar u soo magacawday Soomaaliya Dr Mutlaq  Al-Qaxtani, ayaa kulama la qaatay xubna ka tirsan madaxda dowlad gobaleedyada dalka .

Dr Mutlaq ayaa la kulmay madaxweeynaha dowlad gobaleedka Galmudug  Axmed cabdi kaariye Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug .

Ergayga ayaa sidoo kale kulan la qaatay Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdiaziz Xassan Lafta-gareen , iyadoo kulamadaan looga hadlay xaaladda dalka iyo khilaafaadka arrimaha doorashooyinka .

Kulamada uu la qaatay Dr Mutlaq madaxda dowlad gobaleedyada ayaa intii ay socdeen waxaa leysla meel dhigay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka muddada dheer ka jira doorashooyinka iyo sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagidda weerarada argagixisada.

Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa isna dhankiisa la kulmay Ergayga Qatar Dr Mutlaq .

Guudlaawe ayaana isna kala hadlay Mutlaq sidii looga heshiin lahaa khilaafka doorashada dalka ee mudada dheer ka jiray dalka

Dhanka kale Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani, ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee maamulka gobalka Banaadir .

Guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish ayaa kulan la qaatay Ergaygan cusub ee Qatar Soomaaliya u soo dirsatay .

Cumar Filish iyo ergayga ay ka wada hadleen Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani, Xaaladda magaalada Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani, oo laba cisho ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulama la qaatay madaxda dowladda Federaalka , Madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Xubna ka tirsan midawga Musharixiinta .

181458553_4080811911970613_7603590298139 181595435_10222156856645260_447518110773 181621050_1447712705591490_2638551980411 181819435_1123193514819321_1314315057131 182067076_4209331642460929_2534107847011

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this