Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
2-3.jpg?resize=1000%2C785&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Safiirka Itoobiya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya, Marwo Sahle-Work Zewde, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay.

Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan, ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam, waxa uuna muujiyey ahmiyadda ay leedahay dhowrista madax bannaanida dal walba.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi, daris wanaag iyo wax-wada-qabsi, iyada oo xoogga la saarayo in kor loo qaado heerka nololeed iyo dhaqaale ee shucuubta Geeska Afrika.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this