Sign in to follow this  
Deeq A.

Falastiiniyiin Weerar Toogasho Ah Ka Fuliyey Dhulka La Haysto Ee Daanta Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel Aviva)-Saddex qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa Axaddii lagu dhaawacay toogasho ay Daanta Galbeed ee la haysto ka fuliyeen rag ku socday baabuur, ayada oo wasiirka gaashaandhigga Israel Benny Gantz uu weerarka ku eedeeyeey “argagixiso”.

Toogashada oo ka dhacday goob basaska laga raaco oo ku taalla Isgoyska Tapuah ee koonfurta Nablus ayaa loo maleynayaa inay fuliyeen kooxaha Falastiiniyiinta.

“Gaadhi laga shakiyey ayaa yimid isgoyska, wuxuuna xabado ku furay shacab Israa’iiliyiin ah oo goobta ku sugnaa,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saareen ciidamada Israa’iil.

“Ciidamada ayaa rasaas ugu jawaabay gaadhiga laga shakiyey oo goobta ka baxsaday,” ayuu bayaanka intaas ku daray.

Adeegga gurmadka deg degga ah ee Israa’iil ee Megan David Adom ayaa sheegay in saddexda qof oo da’doodu tahay labaatameeyada loo qaaday cisbitalka,  islamarkaana mid ka mid ah ay xaaladdiisa darran tahay.

Sadddexda qof ayaa la sheegay inay ahaayeen arday seminar diimeed u joogay deegaan ka ag dhow goobta oo lagu magacaabo Itamar.

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa yidhi “Uma ogolaan doonno in argagixisada ay madaxa sare u qaaddo, waxaana cadowgeena ku weerari doonnaa awood.”

Dhinaca kale, ciidamada Israa’iil ayaa galay xaafadda Beita ee koonfurta Neblus, waxayna isku dhaceen Falastiiniyiin tuurayey dhagxaan, halkaasi oo rasaas ay ku fureen ay ku dhaawacmeen saddex qof.

Goor sii horreysay, ciidamada Israa’iil ayaa toogasho ku dhaawacay haweeney Falastiini ah oo ay sheegeen inay mindi kusoo weerartay.

Waxay goor dambe ku geeriyootay cisbital ku yaalla Qudus. Waxaa magaceeda lagu sheegay Fahima al-Hroub, oo dhalatay 1961-kii, kana soo jeeday Bethlahem.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this