Sign in to follow this  
Deeq A.

Laascaanood Oo Laga Mamnuucay Muusiga Laga Tumo Huteellada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Maayarka Magaaladda Laascaanood cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa sheegay in huteelad ku yaala magaalada aan laga ogalayn in laga tumo muusig.

Duq Taarwale ayaa sheegay in cidda shida muusig ay ciidanka ammaanku ku amran yihiin in ay gacanta kusoo dhigaan.“Waxa aan idiin sheegaya in ay mabnuuc  tahay in huteellada habeenkii muusig lagu tumo, waana xaraan qofkii lagu qabto cidaanku gacanta ayuu ku soo dhigaaya. mulkiilayaasha huteelada waxaan ku wargelinayaa in ay sidaasi ula socdaan amarkaa aanu soo saarnay”

Maayirku waxa uu sheegay in raxmaadkii gu’gu ay si fiican uga curteen magaaladda Laascaanood iyo deegaanada ku hareeraysan waxanu bulshada u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan xilli roobaadkan aynu galnay kana guuraan goobaha biyo mareenka ah

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this