Sign in to follow this  
Deeq A.

Falastiiniyiin weerar toogasho ah ka fuliyey dhulka la haysto ee Daanta Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   


Saddex qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa Axaddii lagu dhaawacay toogasho ay Daanta Galbeed ee la haysto ka fuliyeen rag ku socday baabuur, ayada oo wasiirka gaashaandhigga Israel Benny Gantz uu weerarka ku eedeeyeey argagixiso.

Toogashada oo ka dhacday goob basaska laga raaco oo ku taalla Isgoyska Tapuah ee koonfurta Nablus ayaa loo maleynayaa inay fuliyeen kooxaha Falastiiniyiinta.

Adeegga gurmadka deg degga ah ee Israel ee Megan David Adom ayaa sheegay in saddexda qof oo da’doodu tahay labaatameeyada loo qaaday isbitalka, islamarkaana mid ka mid ah ay xaaladdiisa darran tahay.

Sadddexda qof ayaa la sheegay inay ahaayeen arday seminar diimeed u joogay deegaan ka ag dhow goobta oo lagu magacaabo Itamar.

PUNTLAND POST

The post Falastiiniyiin weerar toogasho ah ka fuliyey dhulka la haysto ee Daanta Galbeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this