Deeq A. Posted May 3, 2021 Jubaland ayaa shaacisay in ay ka qayb-gelayso shirka uu ku baaqay Ra’iisul wasaare Rooble, oo ku saabsan dhammaystirka heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden, oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in Jubaland ay diyaar u tahay ka qayb-galka shirkaas, oo lagu ballansanyahay 20 bishaan May 2021. “Jubaland wey ka qaybgalaysaa shirka uu ra’iisal wasaare Rooble ku baaqay 20 ka bisha waxaan qabno dhammaan miiskan saari doonaan” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aaden Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay, in ay jiraan tabashooyin ka soo noqday heshiiskii 17-kii September, kuwaas oo u baahan in lagu xalliyo miiska wada-hadalka gaar ahaanna shirka soo socda. PUNTLAND POST The post Jubaland: Waan ka qayb-gelaynaa shirka Rooble ku baaqay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites