Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Dib U Soo Celiyey Markab Waday Xoolo Badan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Markabka nooca xamuulka ee lagu magacaabo MV Mabrouka oo shixnad xoolo nool geeyey Dekedda Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa dib ugu laabtay Dekedda Port Sudan ee dalka Suudan.

Warbaahinta gudaha ee dalka Suudan ayaa sheegtay inuu Markabkaasi waday 7,228 neef oo ido ah iyo 114 neef oo Geel ah.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay inay Xoolahaasi ka heleen xanuunka qandhada ee Rift Vlley Fever, kadib markii muunad dhiig oo laga qaaday lagu baadhay Shaybaarka.

Waa markabkii u horreeysay oo Shixnad Xoolo ah geeyey Sacuudiga oo dib loogu soo celiyey dalka Sudan oo ah dalkii laga soo raray Xoolahaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this