Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox hubeysan oo maanta dil ka geysatay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dilka saaka ka dhacay isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay qof shacab ahaa oo watay gaari nooca raaxada ah, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen kooxo hubeysan oo rasaas huwiyey gaariga uu watay marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Cimraan Nuur Geedi.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu dhaawac halis ah soo gaaray Cimraan, balse uu markii dambe u geeriyooday dhiig-bax, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaashu.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi dilka ah, waxaana meesha teegay ciidan ka tirsan kuwa amniga.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo toogtay ninkaasi shacabka ahaa, balse meydkiisa ayaa waxaa loo soo qaaday CID-da, si loogu sameeyo baariraano dheeri ah.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo howl-gallada xigay ee ay sameeyeen ciidamada Booliiska.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro dagaallo, dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

The post Koox hubeysan oo maanta dil ka geysatay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this