Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Xasan Gadhweyne) Oo Tacsi Tiiranyo leh u diray Ehelka & Qoysku Ka Baxay Marxuum Prof. Cabdilaahi Yaasiin Diiriye

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Xasan  Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) Oo Tacsi U Diray Ehelkii iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Prof. Cabdilaahi Yaasiin Diiriye

 Siyaasi Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) Oo Tacsi U Diray Ehelkii iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Prof. Cabdilaahi Yaasiin Diiriye

Tacsi

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30/04/2021 ku geeryooday Caasimada Somaliland ee Hargeysa Marxuum Prof. Cabdilaahi Yaasiin Diiriye, oo 25kii sanno ee u danbeeyey ahaa Agaasimihii Xafiiska Manaahijta ee Wasaarada waxbarashada iyo sayniska Jsl, anigoo ah Xasan Xaaji Mxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) ka tacsiyadaynayaa geeridaasi bahda waxbarashada Somaliland, qoyska, ehelada, qaaradii, asxaabtii iyo dhamaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarkii aas-aaska waxbarashada Somaliland, waxaanu ku suntanaa dedaal, daacadnimo iyo hawlkarnimo dheeraada oo Alle hibo u siiyey.

 

Waxaanan marxuumka ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa janatul fardawsa ka waraabiyo, intii dhimatay ee muslimiinta ahaydna u danbe dhaafo inteena noolna inooga daba-naxariisto.

 

Aamiin Aamiiin …..

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this