Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar qof oo Mareykan ah oo ka mid noqday  dad lagu laayey Gudaha Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar qof oo Mareykan ah oo ka mid noqday  dad lagu laayey Gudaha Israel

 israel.jpg

Muwaadniin Mareykan ah ayaa ku jira tobaneeyo qof oo lagu dilay, laguna dhaawacay is-buurasho ka dhacday munaasabad diimeed oo lagu qabtay Israel, waxaa sidaas Sabtidii sheegay safaaradda Mareykanka.

Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay, in ka abdan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen munaasabadda diimeed ee ay qabsanayeen Yahuudda aadka ugu adag diinta, oo ka dhacday Buurta Meron, habeenkii Khamiista.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa rasmiga ah ee sababay is-buurashada, hase yeeshee xogta goobjoogeyaal iyo muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey in qaar ka mid ah ka qeyb-galaaysha oo kasoo dhacay jaranjaro ay xireen waddo yar oo ay marayeen boqolaal qof kadibna la is dardaray.

Wakiil ka tirsan safaaradda Mareykanka ayaa yiri “waxaan xaqiijin karaa in dhowr qof oo muwaadiniin Mareykan ah ay ku jiraan dadka dhintay iyo dhaawaca,” isaga oo aan bixin faah-faahin.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Israel ayaa Jimcihii sheegtay in saraakiisha qunsuliyaddeeda New York ay la xiriireen qoysaska afar qof oo Mareykan ah oo ku dhintay dhacdadan.

Qiyaastii 100,000 oo qof ayaa ka qeyb-gashay munaasabdda, waxaana hadda ay carro xoogan ka jirtaa sababta ay dowladda u ogolaatay munaasabadda, maadaama aan la ogoleyn in da ka badan 10,000 ay meel isugu yimaadaan, sababo la xiriira xanibaadaha cudurka COVID-19

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this