Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay kooxo dhuxusha ka ganacsada

Recommended Posts

Deeq A.   
Dhuxul.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

Ciidanka Booliiska Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay koox abaabulan oo ku hawllanaa gubista kaymaha si ay dhuxul uga shitaan.

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay 17 ruux oo ku hawllanaa gubista dhuxusha kadib hawlgal Booliisku ka fuliyeen tuulooyin ka tirsan degmada Boosaaso.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay dab qabad-siiyeen sagaal goobood oo kooxdan ay ku urursan jireen dhuxusha kadib marka ay gubaan si ay uga ganacsadaan.

Hawgalka ayaa laga sameeyay tuulooyinka Dhagcaan iyo Garas oo hoosyimaada degmada Boosaaso sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay kooxo dhuxusha ka ganacsada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this