Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaadiid badan oo ku xannibay togga Ceeldoofaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaadiidka isaga goosha Laamiga dheer ee xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso, ayaa saacado badan ku xanniban togga Ceeldoofaar ee Gobolka Bari, kadib markii ay halkaas ku soo rogmadeen daadad xooggan.

Gaadiidleyda ku sugan halkaas ayaa laga soo xigtay in ay weli ku xanniban yihiin togga Ceeldoofaar, halkaas oo mowjado biyaha ku soo dhaceen, kadib roobab mahiiggaan ah oo ka da’ay degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag.

 Roobabka gu’ga ayaa maalmihii u dambeeyay si xawliya uga da’aya Gobollada Puntland gaar ahaanna Gobolka Bari oo meelaha qaarkood abaar ba’an ay ka jirtay ka hor Roobabka haatan curtay.

PUNTLAND POST

The post Gaadiid badan oo ku xannibay togga Ceeldoofaar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this