Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble o la kulmay ergayga Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   
2-1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay, in Mr Rooble uu kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada, Multaq Alqahtani.

Qoraalka waxa sidoo kale lagu sheegay, in labada mas’uul ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Rooble o la kulmay ergayga Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this