Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xukun dil ah ku ridday shan amiir oo ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada culus ee dowladda Puntland, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday shan amiir oo ka tirsan Al-shabaab.

Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib), Cabdulqaadir Axmed Ummal (Abu-Cabdalla), Maxamed Cali Cawke (Jeeri), Maxamed Cabdullaahi Ayaanle(Abbeyle) iyo Qaasim Jaylaani Al-turaabi, ayaa dhammaantood ahaa amiiro ka tirsan AL-shabaab, sida ay sheegtay Maxkamaddu.

Dhegaysiga Gar-maqalka dacwadda loo haysto shantan horgooge, ayaa mudda laba maalmood ah ka socotay xarunta ay Gaalkacyo ku leedahay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Gobollada Mudug iyo Cayn.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa xorriyadooda u celisay afar qof oo ku eedaysnaa Shabaabnimo, balse lagu waayay wax danbi ah.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo xukun dil ah ku ridday shan amiir oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this