Deeq A. Posted May 2, 2021 Nin lagu ganaaxay 12 milyan oo doolar . Nin ayaa lagu xukumay inuu bixiyo $ 12m oo doolar ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu gubay saldhig booliis oo ku yaal Minneapolis intii ay socdeen rabshadihii dhacay bishii May ee lasoo dhaafay. Dylan Shakespeare Robinson, oo 23 jir ah, ayaa qirtay dambiga ah inuu qeyb ka ahaa falkaasi oo dhacay bishii Diseembar, waxaana ganaaxa lacageed u sii dheeraan doonta afar sano oo xabsi ah. Qareenka Robinson ayaa yiri “ma jirto fursad macquul ah” oo macmiilkiisu ku awoodi doono inuu bixiyo ganaaxaasi. Saddex nin oo kale oo iyaguna qirtay dambiga ayaa iygana la xukumi doonaa. Maxaa ku dhacay saldhiga booliska? Bishii May ee sanadkii hore, kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada Minneapolis si ay uga mudaaharaadaan dilkii ay booliska u geysteen George Floyd. Sarkaalkii hore ee booliiska Minneapolis Derek Chauvin, oo markii dambe shaqada laga ceyriyay laguna helay dambi dil ah, ayaa laga duubay muuqaal isagoo jilbka luqunta kaga hayo Mr Floyd in ka badan sagaal daqiiqo intii la xirayay. Dhimashadii Mr Floyd iyo mudaharaadyadii xigay waxay kiciyeen toddobaadyo xasillooni darro ah, waxaana magaalada ka dhacday bililiqo, dab la qabadsiiyay goobo muhiim ah iyo rabshado. Dibadbaxayaasha waxaa ka mid ahaa Dylan Robinson oo ku sugnaa Brainerd, oo ah magaalo qiyaastii 120 mayl u jirta waqooyiga Minneapolis. Sida laga soo xigtay dacwad oogayaasha, Robinson wuxuu shiday dab kadibna qof kale ayaa ku tuuray xarunta dhexe ee Saddexaad ee magaalada Minneapolis – isagoona sidaasi dab ku qabadsiiyay dhismaha. “Muuqaal laga helay kamirooyinka amniga ee xarunta ayaa muujinaya Robinson oo aalad dab ah shidaya oo uu hayo qof kale kadibna dab ka qabadsiiyay gudaha saldhigga oo u dhow jaranjarada dabaqa koowaad,” saraakiishu ayaa sidaasi sheegtay. Robinson ayaa waxa uu qirtay inuu dambiga galay iyadoo dhanka kalana ay 3 nin oo kale oo lagu kala magacaabo Bryce Michael Williams, Davon De-Andre Turner iyo Branden Michael Wolfe ay iyagana qirteen inay galen dambigaas oo kale inkastoo aan weli iyaga la xukumin. Sidee loo bixinayaa ganaaxa? Marka laga soo tago xukunkiisa afarta sano ah, Robinson waxaa lagu ganaaxay $ 12m oo magdhow ah. Sida laga soo xigtay xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka, oo kiiska soo oogay, ayaa sheegay in magdhawga waxaa loo bixin doonaa qaabab kala duwan, oo ay ku jiraan mushaharka, akoonada lacagaha ee ugu jira bangiga, iyo lacagaha hawlgabka. Robinson wuxuu awoodi doonaa oo kaliya inuu bixiyo “inyar yar oo lacagtaas ah”, qareenkiisa Mr Mauzy ayaa yiri. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Mareykanka kama uusan jawaabin codsi deg deg ah oo ku saabsan sida Robinson uu awood karayo karo ganaaxa. Qareenka ayaa sheegay in xukunka lagu riday Dylan Shakespeare Robinson, oo 23 jir ah uu qalmo dambiga uu geystay. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites