Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Maraykanka oo sheegtay in ay Soomaaliya ka gacan-siinayso arrimaha doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday dhinacyadii saxiixay Heshiiskii arrimaha doorashada ee 17-kii September in ay deg deg u kulmaan, si loo dhammaystiro hirgelinta hannaanka doorashada dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, Ned Price ayaa sidoo kale loogu baaqay hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya, in aysan wax shuruud ah ku xirin wada-hadalka arrimaha doorashooyinka.

War-saxaafadeedka ayaa ku boorriyay dhinacyada, in ay bilaaban dhammaystirka iyo dhaqan-gelinta Heshiiskii 17-kii September, si loo hirgeliyo doorasho daah-furan.

Waxaan ugu yeereynaa dhinacyada uu ka dhexeeyo heshiiskan inay si degdeg ah u kulmaan, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin wadahadalka, si loo dhameystiro hirgelinta doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Maraykanku wuxu sheegay in uu sida  ugu dhakhsaha badan diyaar ugu yahay, gacan-siinta hoggaamiyaasha Soomaaliya, si loo hirgeliyo hannaanka heshiiskii 17-kii September.

“Mareykanku wuxuu diyaar u yahay sida ugu dhaqsaha badan inuu gacan ka geysto qabashada doorashooyinka” ayuu sii raaciyay qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Maraykanka oo sheegtay in ay Soomaaliya ka gacan-siinayso arrimaha doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this