Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo shaaciyay in uu soo bandhigayo Qorshaha hirgelinta doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay madaxweyne Farmaajo in uu wareejiyay mas’uuliyadda  doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble, oo  ayaa sidoo kale Baarlamanka uga mahadceliyay in sida ay u tixgeliyeen codsigii madaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September, ayaa sheegay in xukuumaddu soo bandhigi doonto qorshaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee amnig dalka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu dhawaan ku casuumi doono madaxda dowlad-goboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirk u saabsan  ee dhammeystirka Heshiiskii  arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Ciidammada in ay ku laabtaan xeryohoodii oo aysan ku milmin siyaasadda, isagoo ugu baaqay siyaasiyiintuna in ay ka fogaadaan hadal ama ficil kasta oo aan caawineyn xasilloonida dalka iyo wadajirka shacabka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo shaaciyay in uu soo bandhigayo Qorshaha hirgelinta doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this