Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka tiri Beesha Caalamka go’aankii Baarlamaanka iyo hoggaaminta Rooble ee doorashada?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16198970212904170.jpg?resize=720%

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee dib u noqoshada heshiiskii 17 Sebtember iyo go’aankii madaxweyne Farmaajo doorashada ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa taageeray go’aannada baarlamaanka iyo madaxweyne Farmaajo, waxayna ugu baaqeen madaxda dowlad goboleedyada in ay la shaqeeyaan Ra’iisul Wasaare Rooble, doorashadana si dhakhso ah loo qabto.

20210501_220219.jpg?resize=714%2C714&ssl

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa lagu yiri “Qaramada Midoobay waxay soo dhaweyneysaa go’aankii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ahaa in dib loo soo celiyo heshiiskii doorashada ee 17 Sebtember ka dib codsigii madaxweyne Farmaajo. Waxaan ugu baaqayaa madaxda Soomaalida inay ku noqdaan wadahadalka oo ay diyaariyaan doorashooyin aan daahin: Waxaan soo dhaweynayaan doorka hogaaminta doorashada ee Ra’iisul Wasaare Rooble”.

20210501_222518.jpg?resize=720%2C655&ssl

“Midowga Yurub wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka Golaha Shacabka iyo ku dhawaaqida madaxweyne Farmaajo. Ra’iisul Wasaare Rooble waa inuu ku tiirsanaadaa taageerada madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo jilayaasha kale ee siyaasadeed si uu u hoggaamiyo geeddi-socodka doorashada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

IMG-20210501-WA0002.jpg?resize=720%2C557

Sidoo kale qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxaan soo dhaweyneynaa ficilada ay maanta qaadeen madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka. Waxaan sidoo kale soo dhoweynaynaa doorka Ra’iisul Wasaare Rooble ee hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, oo ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto”.

20210501_220236.jpg?resize=720%2C775&ssl

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster ayaa iyaduna tiri “Ingiriisku wuxuu soo dhaweynayaa ansaxinta baarlamaanka ee dib u bilaabista wadahadalada si loo dhameystiro qaab doorasho oo ku saleysan heshiiskii 17 Sebtember, ka dib hadalkii Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed waa inay taageero buuxda siiyaan Ra’iisul Wasaare Rooble maadaama uu isagu hoggaaminayo hannaanka doorashada”.

PUNTLAND POST

The post Maxay ka tiri Beesha Caalamka go’aankii Baarlamaanka iyo hoggaaminta Rooble ee doorashada? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this