Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergeyga ay Qater usoo dirtay Soomaaliya oo dalka yimid, iyo muhiimadda halka uu ka billaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Qatar usoo dirtay dalka Soomaaliya Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani  ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, taasi oo muujineysa isbeddel siyaasadeed oo weyn.

Dr. Al-Qahtani ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, wuxuuna la kulmay wasiirku ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland Liibaan Yuusuf Cusmaan.

Qatar ayaa ergeygan, oo ay Qaramada Midoobay sanadkii 2020 u aqoonsatay dhex dhexaadiyaha ugu wanaagsan, usoo dirtay Soomaaliya si uu uga qeyb qaato wada-hadallada Soomaaliya iyo is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya..

Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Somaliland weli wax faahfaahin kama aysan bixin safarka uu Dr. Mutlaq bin majed Al-Qahtani uu ku tagay Hargeysa.

Rashid Abdi oo fallanqeeya siyaasadda gobolka ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in socdaalka Al-Qahtani ee Hargeysa uu tusaale u yahay isbeddel ku yimid siyaasadda Qatar ee gobolka.

“Qatar waxay u weecatay Somaliland, wafti sare ayaa yimid Hargeysa. Arrintani waa muhiim, waxay imaneysa ayada oo qaska Muqdisho uu kasii darayo, oo waqtigii Farmaajo iyo Fahad uu gebo-gebo ku dhow yahay. Imaaraadka taageero badan ayey ka sameysteen Somaliland. Ma jirto sabab aysan Hargeysa uga faa’iidi karin labadaba,” ayuu yiri.

Al-Qahtani ayaa la filayaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxa uuna kulmo kala duwan la qaadan doona dhammaan qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasadda Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka.

Qatar oo inta badan lagu eedeyo inay xiriir hoose la leedahay madaxda waqtigoodu dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa waxa la fahamsan yahay inay tallaabadan ku muujineyso inay dhex-dhexaad uga tahay xiisada dalka.

Dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in tallaabada Qatar ay qaaday ay ka dhigan tahay inay hagaajiso sumcaddeeda Soomaaliya, ayna rumeysan tahay in maalmihii Farmaajo ee xukunka Soomaaliya ay gebo-gebo yihiin, si ay ula macaamisho cid kasta oo xukunka ka beddesha.

E0SzAtJXMAAajdF.jpeg E0SzCdLWUAADauU.jpeg E0SzDwOXoAMy588.jpeg E0SzFS-XsAIGJet.jpeg

The post Ergeyga ay Qater usoo dirtay Soomaaliya oo dalka yimid, iyo muhiimadda halka uu ka billaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this