Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo mas’uuliyada doorashada iyo Amniga ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo khudbad u jeediyay Aqalka Hoose ee Baarlamanka, ayaa si rasmiya u shaaciyay in uu mas’uuliyadda hirgelinta doorashada iyo Amnigeeda ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobel.

“Waxaan rabaa in aan cadeeyo In Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamin doono Diyaarinta, Hirgalinta doorashada, & Amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasiloon” ayuu yiri Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo, wuxu sheegay in uu Ra’iisul wasaaraha u xil-saaray qaban-qaabada iyo marti-qaadka saxiixayaashii Heshiiskii 17-kii September, si loo meel-mariyo heshiiskaas iyo talooyinkii farsamo ee ka soo baxay shirkiii Baydhaba 16 February 2021.

Waxaan kale oo Ra’iisulwasaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka Saxiixayaashii Heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmairyo heshiiskas iyo talooyinkii Farsamo ee kasoo baxay Shirkii Baydhabo 16kii Febraayo 2021” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo mas’uuliyada doorashada iyo Amniga ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Rooble appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this