Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay in dib loobu laabto Heshiiskii Arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ansixiyay dalab uga yimid Madaxweyne Farmaajo, kaas oo ah in lagu laabto heshiiskii 17 kii September.

Kulanka oo ay fadhiyeen 140 xildhibaan, ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxmed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, waxa uu sheegay in 140 mudane ay meelmariyeen dalabka, halka aysan jirin cid diiday ama ka aamustay.

Madaxweyne Farmaajo oo codeynta ka hor khudbad u jeediyay Golaha Shacabka, ayaa golaha dib ugu celiyay qaraarkii muddo kororsiga ee 12-kii bishii tagtay April ee muddo kordhinta labada sano aheyd, islamarkaana ka codsaday inay taageraan dib ugu noqoshada wadahadallada heshiiskii 17-kii September ee arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hanaanka doorashada iyo amniga dalka uu hogaamin doono Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa 12 kii April waxa ay ansixiyeen qaraar ay muddo kordhin laba sano ah ugu sameeyeen hay’adaha dowladda federaalka, kaas oo sababay qalalaase siyaasadeed iyo dagaalo ka dhacay Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay in dib loobu laabto Heshiiskii Arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this