Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu Ra’iisal-wasaare Rooble ku wareejiyey doorashada & Amnigeeda+Aqalka Hoose oo ka Laabtay Qaraarkii Muddo Kororsiga

Recommended Posts

Deeq A.   

 Aqalka Hoose oo ka Laabtay Qaraarkii Muddo Kororsiga

Baarlamaanka
Baarlamaanka

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod ay goordhow qaaden waxa ay ku ansixiyeen dalab uga yimid Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa in lagu laabto heshiiskii 17 kii September. Talaabadan ayaa meesha ka saareysa muddo kororsigii laba sano ee ay aqalka hoose ku kordhiyeen muddada xilheynta hay’adaha dowladda.

Kulankii maanta oo ay fadhiyeen 140 xildhibaan, ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxmaed Mursal Sh. Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in 140 mudane ay si buuxda u meelmariyeen dalabka ku laabashada heshiiskii 17-kii September, halka aysan jirin cid diiday ama ka aamustay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo codeynta ka hor khudbad u jeediyay Golaha Shacabka ayaa golaha dib ugu celiyay qaraarkii muddo kororsiga ee 12-kii bishii tagtay April ee muddo kordhinta labada sano aheyd, islamarkaana ka codsaday inay taageraan dib ugu noqoshada wadahadallada heshiiskii 17-kii September ee hannaanka doorashada dadban.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in hanaanka doorashada iyo amniga dalka uu hogaamin doono Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. 

Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu Ra’iisal-wasaare Rooble ku wareejiyey doorashada & Amnigeeda

Farmaajo oo ku dhawaaqay inuu ROOBLE ku wareejiyey doorashada iyo amnigeeda

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad la wada sugayey kahor jeediyey Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sidoo kale xubnaha baarlamaanka ka codsaday inay ka aqbalaan in laga laabto sharciga muddo kororsiga, islamarkaana dib loogu laabto miiska wada-hadalka si loo hirgeliyo heshiiska 17-ka September.

Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka u sheegay iyadoo la qadarinayo duruufaha ay wajaheyso Muqdisho inay ka tanaasulaan go’aankii ay horey u gaareen oo ahaa in muddo laba sano ah lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.

Farmaajo ayaa sheegay in sharciga 12-ka April ee muddo kororsiga ay diideen qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, islamarkaana Muqdisho laga abaabulay xasarado qorsheysan, lana barakiciyey shacab, sida uu hadalka u dhigay.

Farmaajo ayaa sheegay inuusan dooneyn in dagaallo ay ka dhacaann Muqdisho.

“Waxaan idiin sheegayaa, magaaladan, qof ahaan, aniga lex jeclo weyn ayaa iga haysa, maxaa yeelay aniga magaaladan ayaan ku dhashay, magaaladan ayaan ku barbaaray, dugsi qur’aan, dugsi hoose, dugsi dhexe iyo dugsi sare uga baxay. Lamana ogolaan karo in dalkeena iyo magaaladan ay ku laabteen dhabihii ay qaadeen 30 sano ka hor, sidaas darteed waxaan dooranay inaan u hiilino xasiloonida dalka,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta ay is diidan yihiin inay ka wada shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida dalka.

Ra’iisal-wasaare Rooble oo la wareegay wada-hadalla Dawlada federaalka iyo dawlad goboleedyada

Rooble oo la wareegay wada-hadalla DF iyo dowlad goboleedyada

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mar kale la hadlay xildhibaanada golaha shacabka kadib markii ay ansixiyen codsigiisa ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorashada ee 17 September ayaa Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku wareejiyey wada-hadallada dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Farmaajo ayaa faray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu casuumaad u sameeyo madaxda maamul goboleedyada, si loo saxiixo heshiiskii ay horey u gaareen ee dhacay 17 September.

Farmaajo ayaa mar kale ku celiyey go’aankiisa ahaa inuusan aqbaleyn in wax isbadal ah lagu sameeyo qodobadii heshiiska 17 September ee horey u saxiixdeyn Farmaaj iyo madaxda Maamul goboleedyada taaso durba, shaki gelisay awoodda uu Rooble u yeelan karo hoggaaminta shirarka la filayo inay dhacaan.

Rooble ayaa hadda looga fadhiyaa inuu qaato doorkiisa doorashada maadaama Farmaajo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ku wareejiyey, waxaana looga fadhiyaa inuu si dhex-dhexaad ah u hoggaamiyo hanaanka doorashada.

Ra’isul wasaaraha ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo kulanka ay yeelanayaan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana meesha ka bixi doonto doorkii uu Farmaajo ku lahaa kulamada looga xaajoonayo doorshada iyo xallinta khilaafka taagan.

Lama qiyaasi karo go’aanka ay madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka qaadan doonaan Mas’uuliyadda lagu wareejiyey Ra’iisul wasaare Rooble iyo casuumadda la filayo inuu dhawaan u fidiyo.

Farmaajo ayaa khudbaddii koowaad ee uu ka jeediyey golaha shacabka shaaca uga qaaday inuu fulinta doorashada iyo amniga doorashada ku wareejiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo fulinta doorashada iyo amniga doorashada, sidoo kale fulinta qorshaha amniga doorashada, si waafaqsan dastuurka, waxaa iska leh xukuumadda. Waxaan farayaa xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas baaxadda weyn,” ayuu yiri Farmaajo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this