Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan M/weyne Muuse Biixi Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay wefti ka socda Dalka Qatar oo uu hogaaminaayo…….

Recommended Posts

Deeq A.   

Daawo Muqaalka Kulan M/weyne Biixi Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay wefti ka socda Dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ballaadhan Oo Ka Socday Dalka Qadar
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo safar shaqo ku yimi dalka Somaliland, kana socday dalka Qadar oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.
Ugu horrayna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warbixin dheer ka siiyey weftiga xaaladda guud ee dalku marayo maanta iyo halkii laga soo ambo qaaday geeddiga Dimuquraaddiyadda muddo Soddon sanno ah, waxaanu madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar.
Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay in labada waddan ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar halkan (Somaliland) ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah.
Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii hay’adda Qadar u qaabilsan mucaawimooyinka ee (Qadar Charity) ay xafiis uga furan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland, loona xoojin lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah.
Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in halkaa laga ambo qaado xidhiidh wada shaqayneed oo labada dal yeeshaan.
181173322_3874417102672114_4901155250095
180191915_3874417106005447_3307820372370
180823219_3874417019338789_4367742872193

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this