Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Afrika: Ganacsade Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dhex Dilay Goobtiisa Ganacsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo hubeysan oo budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd xaafad ka tirsan Magaalada Cape-town ee dalkaas ku dileen nin Soomaali ah oo kamid ahaa dadka halkaas ku lahaa goob Ganacsi.

Budhcadda ayaa weerar ku qaaday Muwaadinka Soomaali ah, xili uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsi oo ay doonayeen inay dhac u geystaan, taas oo ku taalla xaafadda Delft, isla markaana u geeriyooday xabbado ku dhacay.

Allaha u naxariistee ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xuseen Daahir Afrax oo loo yaqaanay (Xuseen Cirro), waxaana uu kamid ahaa dadka Soomaalida ee caanka ka ah Magaalada Cape-town.

Raggii hubeysnaa ka dambeeyay falka ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa durbo xaafadda Delft tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo sameeyay baadhitaano aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dilal kala duwan iyo boob loogu geysto Soomaalida waxaana sanadkaan gudihiisa lagu dilay Soomaali badan oo lahaa goobo Ganacsi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this