Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO Oo La Filayo Inuu Maanta Hortago Golaha Shacabka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maanta uu hortago Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo uu kala hadli doono muddo kordhintii badhtamihii bishan ee labada sano ahayd.

Madaxweynaha oo hadal u jeediyay shacabka, 28-kii bishan Abriil, wuxuu sheegay in Golaha Shacabka uu kula noqonayo arrinta, ka dib khilaaf iyo rabshado ka dhacay Muqdisho oo sababay barakac.

Wuxuu yidhi madaxweyne Farmaaji: “Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Dhanka kale Golaha midowga Musharaxiinta madaxwaynanimada ayaa waxay uga digeen xildhibaanada golaha shacabka inay ku dhaqaaqaan tallaabooyiin wax looogu dhimayo geedi socodka Doorashooyiinka dalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this