Sign in to follow this  
Deeq A.

Ragga & Haweenka Booliska Kenya oo laga mamnuucayo in ay xidhiidh caashaq yeeshaan+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ragga & Haweenka Booliska Kenya oo laga mamnuucayo in ay xidhiidh caashaq yeeshaan

kenya-300x168.jpg
.

Kenya ayaa qorshaynaysa in ay mamnuucdo in xidhiidh caashaq iyo guur ahi dhex maro ragga iyo dumarka booliska ah.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo xadiga falal dambiyeedyada ka dhasha xidhiidhka caashaq ee askarta booliska dhexdooda.

Waxa sidaa sheegay wasiirka arimaha gudaha, Fred Matiangi’, oo ka hadlayey xaflad telefishanka laga baahiyey oo ka dhacday kulliyada tabobarka booliska.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in marka hore amarkan loo gudbin doono golaha nabad gelyada qaranka Kenya ee kor joogteeya ciidamada nabad gelyadu si uu u ansixiyo.

Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in dhanka milatariga xidhiidhka noocan ah hore looga mamnuucay in ay is guursadaan askarta kala darajada sareeyaa.

.
 

“Isha kama lalin karno hadda wixii ka dambeeya dhibaatooyinka ka dhex jira ciidanka nabadgelyada” ayuu yidhi Matiangi’i.

Xafiiska arimaha xidhiidhka askarta ayaa isna aad u daba geli doona dhacdooyinka faroxumaynta ah ee ay ka soo dacwoodaan askarta haweenka ahi.

“Hadda ka dib, waxay noqon doontaa sharci darro in askari boolis ahi la haasaawo haweenay askariyad ah ama guursado. Hadii ay arintaasi dhacdo na waxa qasab noqonaysa in midkood shaqada ka ruqsaysto” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha oo uu soo xigtay wargeyska The Star.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this