Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni: Waxaan diyaarinay qorshe shaqaalaha kor loogu qaadayo xirfadooda iyo mushaarkooda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16198286676894216.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in sanadkan shaqaalaha Puntlalnd la tirakoobay lana diyaariyay qorshe kor loogu qaadayo xirfadooda iyo mushaarkoodka.

“Sanadka waxay shaqaalaha Puntland munaasabadda 1-dq May ugu soo aaday iyadoo la tirakoobay shaqaalaha, lana diyaariyay qorshaha kor u qaadista xirfadooda iyo kordhinta mushaarkooda” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynahe Deni ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu hambalyo la xiriirta munaasabadda 1-da May oo ah maalinta shaqaalaha adduunka u diray shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyay shaqaalaha ku jira furimaha hore ee ka shaqeeya amniga iyo la dagaalanka Covid-19.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni: Waxaan diyaarinay qorshe shaqaalaha kor loogu qaadayo xirfadooda iyo mushaarkooda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this