Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirar Maamulka Jubaland ka Dhan ah oo Muqdisho ka Socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Wararka PP) — Qaar ka mid ah murrashixiinta Soomaaliyeed ayaa shirar kula leh Muqdisho beelaha ka soo jeeda Jubaland qaarkood. Shirarkan oo aan la sii shaacinin, waxay diiradda saarayaan siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan Jubaland haddii isbeddel dhaco.

Xildhibaanno uu ka mid yahay Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in murrashaxiinta looga baahan yahay inay caddeeyaan mowqifkooda Jubaland. Waxaa Muqdisho ka socda shirar ay ka qeybgaleen odayaal lagu tilmaamay reer Jubaland lagagana arrinsanayo sida loo soo xuli karo xildhibaanno iyo Senatarro haddii wadahadallada doorashooyinku burburaan mar kale.

Inkastoo Sheekh Shariif Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka qeybgaleen xafladdii lagu caleemo-saaray Axmed Maxamed Islaam 2019kii, ma cadda inay taageersan yihiin laalidda go’aanka Dowladda Federaalku ugu aqoonsatay maamulka Jubaland mid ku meelgaar ah oo muddo-xileedkiisu dhammaan doono dhowr bilood kaddib sanadkan.

FB_IMG_16198131614153478-1.jpg?resize=72Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam maamulkiisu waa ku meelgaar, sida dowladda federaalku aamminsan tahay.

Mid ka mid ah siyaasiyiinta ku dhowdhow Axmed Madoobe oo aan doonayn in magaciisa la xuso ayaa Puntland Post u sheegay in “Axmed Madoobe og yahay halista siyaasadeed ee ku gadaaman maamulkiisa haddii isbeddel dhaco iyada oo go’aankii dowladda federaalku maamul ku meelgaar ah ugu aqoonsatay Jubaland uu weli jiro.”

Waa sababta Jubaland uga soo horjeeddo in Madaxweyne Farmaajo mar labaad ku guuleysto madaxtooyada Soomaaliya, ayuu siyaasigu ku daray.

Muranka Gedo

Maamulka Jubaland wuxuu ku doodi doonaa in dib loogu noqdo heshiiskii bannaynayay in xildhibaannada iyo Senatarrada Gedo ka sooo jeeda aan lagu soo dooranin Kismaayo. Wuxuu u arkaa qodob xaq u siinaya beelaha kale ee Jubaland inay xildhibaannadooda ku doortaan Muqdisho.

Gorfeeyeyaal dhowr ah ayaa qaba inay tahay sababta Axmed Madoobe ugu dadaalay in muddo-xileedka hay’adaha federaalku dhammaado iyada oo aan heshiis dhammaystiran laga gaarin doorashada dadban.

“Dowladda federaalka iyo Jubaland maanta waa isku heer; midna waqtiga ayaa ka dhammaaday, midna ku meelgaarnimo ayaa ku suntan” ayuu ku doodayaa Cali Xasan, gorfeeye siyaasadeed oo ku sugan Jubaland.

IMG-20210430-WA0003.jpg?resize=1000%2C56Maxamuud Geeldoon oo muujinaya in dowladda adag uu Madaxweyne Farmaajo ku taamayo unkiddeeda tahay dhalanteed waayo ciidammadii beeluhu weli way jiraan.

Welwelka ugu weyn oo haya Axmed Madoobe waa suurtogalnimada inay soo baxdo dowlad cusub oo meeshaas ka sii wadda siyaasaddii go’doominta Jubaland inkastoo Muqdisho maanta ay ku wada sugan yihiin ciidammo beeleedyo iyo ciidammada dowladda.

“Go’doominta Jubaland waa olole qarsoon. Siyaasiga ka hor yimaada wuxuu waayayaa codad badan sidaas darteed waa inay ballanqaadyo u sameeyaan beelaha ka soo horjeeda maamulka hadda ka jira Jubaland” ayuu yiri Cali Xasan.

Dowladda federaalka ayaa xannibaad duulimaadyada ah ku soo rogtay Kismaayo 2019kii markii doorasho uu maamulka Jubaland maamulay ay halkaas ka dhacday. Axmed Madoobe ayaa doorashada ku guuleystay.

© Puntland Post, 2021

The post Shirar Maamulka Jubaland ka Dhan ah oo Muqdisho ka Socda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this