Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Ciidamada Danab oo burburiyey Gaari siday waxyaabaha qarxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib Marka (Caasimadda Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab ka fuliyey deegaanka Jilib Marka oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu diyaarinayey saldhig ay halkaas ku lahaayeen Kooxda Al-Shabaab.

Gaariga la burburiyey ayaa waxaa lagu sheegay noociisa inuu ahaa Saruf, waxayna wararka sheegayaan in la doonayo in lasoo geliyo Magaalada Muqdisho inkastoo aan la ogeyn bartilmaameedkiisa saxda ah.

Howlgalkaan ayaa wuxuu dhacay aroortii hore ee saaka, waxaana ujeedka howlgalkaan lagu sheegay inuu ahaa burburinta fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jilib Marka.

Taliska Ciidamada ayaa xusay inay ciidamada u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan fariisimo cusub oo ay horey ugu sugneyd kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo howlgalkii laga sameeyey Jilib Marka.

a.png dd-1.png ffff.png s.png

The post Sawiro: Ciidamada Danab oo burburiyey Gaari siday waxyaabaha qarxa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this