Deeq A. Posted April 30, 2021 Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa war ka soo saaray hawlgal qorshaysan ay saaka ka fuliyeen degaanka Jilib-marka ee gobolka Shabeellada hoose. Taliska Danab ayaa shaaciyay in hawlgalkaas lagu gubay gaari qaraxyo siday kaas oo Al-shabaab doonayeen in ay hawlgalo ku fuliyaan islamarkaana ku dhibaateeyaan dad shacab ah. Gaariga la gubay oo noociisu ahaa SURF ayay Al-shabaab doonayeen in ay geliyaan gudaha magaalada Muqdisho kadibna qaraxyo ku fuliyaan sida ay sheegeen saraakiisha Danab waxay sheegtay sidoo kale in ay burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Jilib-marka halkaas oo gebi ahaanba Al-shabaab isaga baxeen. PUNTLAND POST The post Danab oo hawlgal qorshaysan ku gubay gaari qaraxyo siday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites