Deeq A. Posted April 30, 2021 Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR in ay xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma sannadka soo socda. Go’aankaas waxa shaaciyay wasiirka amniga gudaha ee Kenya, Fred Matiangí, kaddib markii uu shalay gelinkii dambe kulan magaalada Nairobi kula yeeshay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, Flippo Grandi. Wasiirka amniga gudaha ee Kenya Dr Matiangi wuxuu kaloo sheegay in mas’uuliyiin ka socda dowladda Kenya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay isla garteen in hannaanka xeryahaas lagu xirayo la bilaabo 5-ta bisha May ee 2022-ka. Dowladda Kenya ayaa bishii Maarso waxa ay Qaramada Midoobay u sheegtay in muddo laba todobaad ah ay kula timaado hannaankii lagu xiri lahaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan in ka badan 400,000 oo qof. PUNTLAND POST The post Kenya oo sanad kaddib xireysa xeryaha Dadaab iyo Kakuma appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites