Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Booliska S/land oo dilay Libaax uu lahaa Warancade oo Xalay Hadal-hayntiisu Hargaysa qabsatay

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidanka Booliska S/land oo dilay Libaax uu lahaa Warancade oo Xalay Hadal-hayntiisu Hargaysa qabsatay
ol-300x169.jpg
Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Daba gale ayaa Saaka Warbaahinta u xaqiijiyey in Ciidanka Boolisku dileen Libaaxii ka Baxsaday Beerta lagu xannaaneeyo ee uu leeyahay Cali Maxamed Warancade.
Taliyaha oo sheegay in Ciidanka Boolisku ay tan iyo xalay baadi goob ugu jireen sidii loo qaban lahaa Libaaxan oo dhaawacay ruux haween ah markii uu ka baxsaday Beertii lagu hayay.
Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu Shacabka Caasimadda Hargaysa u sheegay in caasimadu nabad tahay isla markaana la soo afjaray hadal hayntii ka dhalatay Habeenkii xalay Libaaxaas baxsadka ahaa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this