Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudi Carabiya oo qaadaysa Talaabo ka cadhaysiinaysa Dawlada Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

 Sacuudi Carabiya oo qaadaysa Talaabo ka cadhaysiinaysa Dawlada Turkiga
Mohammed Bin Salman oo dhoola caddeynaya xilli uu wareysi siinayo TV.
Mohammed Bin Salman

Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa inay xirto sideed iskuul oo Turkish ah, marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan, waxaa sidaas Arbacadii werisay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu, go’aankan oo la filayo inuu ka carreysiiyo Ankara oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirka Riyadh.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Wasaaradda Waxbarashada Turkey ku wargeliyey in sideedda iskuul ay qasab tahay in la xiro marka uu dhammaado sanad dugsiyeedkan, sida ay sheegtay Anadolu.

Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in sideedda iskuul ay dhigtaan arday gaareysa 2,256.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey oo ay arrintan wax ka weydiisay wakaaladda wararka AFP, ma bixin wax jawaab ah.

Bishii tagtay, Wasaaradda Waxbarashada Turkey ayaa sheegtay inay dalka Sacuudiga ka jiraan 26 Iskuul oo Turkish ah.

Xiritaanka sideed ka mid ah iskuullada ayaa sare usii qaadi karta xiisadda labada dal.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayey sanadihii tegay, gaar ahaan kadib dilkii 2018 qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu gaystay Jamaal Khaashuqji oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah oo dhaliila boqortooyada.

Bilihii dhowaa, ayaa si kastaba, Turkey waxay yaboohday inay hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya dalalka Bariga Dhexe, oo ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this