Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqortooyada Sucuudiga oo shaacisey inay mar kale boodhka ka jafayaan xidhiidhkii uu la lahaa Dalka Iran ee xumaadey

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqortooyada Sucuudiga oo shaacisey inay mar kale boodhka ka jafayaan xidhihdki uu la lahaa Dalka Iran ee xumaadey

 iran-4-300x168.jpg

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa sheegay in dowladdiisu dooneyso inay xidhiidh ka dhexeeya Dalka Iran oo ay si weyn isaga soo horjeedaan inay wanaajiso.

Bin Salmaan ayaa telefishinka Al Carabiya u sheegay in waddankiisa uu u baahan yahay Iiraan si ay uga caawiso horumarinta gobolka Bariga Dhexe.

Laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in Sacuudiga uu dhibaato ku qabo ficillada dhinaca khaldan u jiheysan ee Iiraan, isagoo tusaale ka dhigay barnaamijkeeda nuclear-ka, gantaallada ay riddo iyo caawinaadda ay siiso Mintidiinta Xuutiga.

Wuxuu intaas ku daray in Sacuudiga uu kala shaqeynayo dalalka ay xulafada yihiin ee gobolka iyo caalamka “sidii xal loogu celi lahaa dhibaatooyinkaas”.

Hadalka amiirka ayaa yimid maalmo kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in saraakiil sar sare oo ka kala socda Sacuudiga iyo Iiraan ay yeesheen wadahadallo qarsoodi ah oo ka dhacay dalka Ciraaq, kuwaasoo ay ku doonayeen in ay dib ugu soo celiyaan xidhiidhkooda diblomaasiyadeed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this