Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Soomaaliya oo beeniyay war laga faafiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16196372950970858.jpg?resize=720%

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in baarlamaanku qorsheynayo xilka qaadis uu ku sameeyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Mursal ayaa lagu sheegay in kulanka Sabtida ee baarlamaanka uu yahay mid madaxweyne Farmaajo ku codsanayo dib u noqoshada heshiiskii 17 September 2020.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Muqdisho la soo geliyay warar lagaga been abuuranayo Baarlamaaanka oo sheegaya in xilka qaadis lagu sameynayo Ra’iisul Wasaare Rooble.

FB_IMG_16196371967684180.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Soomaaliya oo beeniyay war laga faafiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this