Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac ee uu koobsaday Qarax Gilgilay Muqdisho+Muqaalka Qaraxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac ee uu koobsaday Qarax Gilgilay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Control Afgooye ee duleedka Muqidhsho, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay darbi ka mid ah dhismaha xerada ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku taalla halkaasi, waxaana jugta qaraxa si weyn looga maqlay qeybo ka mida caasimada.

Ilo wareedyo lagu kasloon-yahay ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxa uu dhacay, xilli ay saf-dheer ku jireen ciidamada Asluubta ee ka howl-gala xeradaasi.

Ujeedka gaadhiga sida qaraxa ayaa ahaa inuu gudaha u galo xerada ciidamada Asluubta, balse uu soo dhaafi waayay darbiga oo adkaa, sida uu sheegay sarkaal tirsan dowladda.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan sadex qof oo rayid ahaa, iyada oo ay ku dhaawacmeen todobo qof oo kale.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi, balse waxaa haatan socda baadhitaano dheeraad ah.

Halkan ka Daawo Muqaalka Qaraxa:-

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho oo ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this