Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Soomaaliya oo ka mida ahaa Shaqaalaha Shirkada Xawaalada TAAJ oo lagu dilay Dalka Maraykanka+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Wiil Soomaali ah oo ka mid ah Shaqaalaha Xawaalada TAAJ oo lagu dilay Dalka Maraykanka+Sababta
B710AB22-D2EE-40D0-BFD0-8EFDA8DC16A9_w10

Waxaa xalay lagu dilay xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa shaqaalada xawaaladda TAAJ, kaddib markii koox hubeysan oo doonayay inay dhacaan xawaaladda ay toogteen.

Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Liibaan Cusman Baqarre ayaa isbitaalka loola cararay, iyadoo waxyar kaddibna lagu dhawaaqay geeridiisa.

Booliska Magalaada Minneapolis ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeysay dilka Liibaan, waxaana afhayeenka booliska Minneapolis John Elder uu sheegay inay billaabeen baadhitaanka toogashadan, isagoo ka codsaday dadweynaha in haddii ay helaan macluumaad ku saabsan dadka looga shakisanyahay dilkan ay u soo gudbiyaan dambi-baadheyaasha Minneapolis.

Soomaalida xaafadda Cedar oo ka xun dilkan ayaa iskugu soo baxay goobtii lagu dilay Liibaan Baqarre.

Dhawaan ayay aheyd markii toogasho nunoocan oo kale ahayd lagu dilay Macallin Cabdinaasir oo mid ahaa macallimiinta dugsiga Qur’aanka ee Al-Jazari ee Masaajidka Dal-Alfaaruuq ee magaalada Bloomington gobolka Minnesota.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this