Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble: Shacabkii qalaasaha Muqdisho ku bara-kacay guryahooda haku laabtaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay dadkii ku bara-kacay qalalaasihii magaalada Muqdisho, in ay dib ugu noqdaan guryahooda, kadib la xalliyay xiisaddii siyaasadeed.

War kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa loogu baaqay shacabka bara-kacay in ay guryahooda ku laabtaan, maadaama xal nabadeed loo helay colaaddii jirtay ee ka dhalatay mudda kordhinta dowladda.

Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan.” Ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale Ciidamada dowladda amar ku siiyay, in ay shacabkii bara-kacay u fududeeyaan sidii ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ugu laaban lahaayeen, isagoo xusay in dowladda ay ka go’antahay in la helo nabad iyo xasilooni.

Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni.” Ayuu sii raaciyay Ra’iisul wasaare Rooble.

PUNTLAND POST

The post Rooble: Shacabkii qalaasaha Muqdisho ku bara-kacay guryahooda haku laabtaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this