Deeq A. Posted April 28, 2021 Ra’isul wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Rooble ayaa ugu baaqay dadkii ku barakacay dagaalladii Muqdisho iney kusoo noqdaan guryahooda. Qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa Facboogga ayaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqayaa dadkii ku barakacay qalalaasihii maalmahan ka jiray Muqdisho in ay guryahooda ku soo laabtaan”. Dhanka kale, waxaa uu Rooble ciidamada ku amray iney arrintaas fududeeyaan “Ciidammada waxaan farayaa in ay shacabka u fududeeyaan in ay guryahooda iyo ganacsiyadooda ku soo noqdaan. Waxaa naga go’an in shacabkeennu helo nabad iyo xasillooni”. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites