Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ku baaqday in Beesha Caalamku shir u qabato Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa ku baaqday in Beesha Caalamku diyaariso shir ku saabsan Arrima doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo dhexmara dhinacyada siyaasadd dalka.

War qoraal ah oo fiidnimadii Talaadada ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa loogu baaqay wakiilada Beesha Caalamka, in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhammaystirayo heshiiskii 17-kii September, si dalka looga qabto doorasho nabdoon oo wadar-ogol ah.

Dowladda Puntland waxay bogaadineysaa kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September, si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah.”

Baaqaaas ayaa soo baxay, wax yar kadib markii Ra’iisul wasaare Rooble ka horyimid mudda kordhintii dowladda Federaalka, islamarkaana ku dhawaaqay in  xukuumaddiisu diyaar u tahay  hirgelinta doorasho ku salaysan heshiiskii 17-kii September.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ku baaqday in Beesha Caalamku shir u qabato Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this