Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Soomaaliya oo kulan aan caadi ahayn la isu’gu yeeray

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa xildhibaannada Golaha isu’gu yeeray kulan gaar ah, kaas oo uu codsaday Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha, ayaa lagu wargeliyay dhammaan xldhibaanada, in ay Sabtida soo xaadiraan Fadhi aan caadi ahayn oo ku saabsan samata-bixin dalka, kaas oo Madaxweyne Farmaajo kula hadli doono Golaha.

Xildhibaannada dalka dibaddiisa ku sugan iyo kuwa jira gobollada dalka waxaa la farayaa inay si degdeg ah u soo galaan caasimadda Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhigan aan caadiga aheyn maalinta sabtida ee ay taariikhdu tahay 1-da bisha May 2021, maadaama ay jiraan xaalado adag oo u baahan in dalka laga samatabixiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Golaha  ka codsado, in ay ka laabtaan go’aankii muddo kordhinta dowladda kadib markii uu dhaliyay qalalaase siyaasadeed ahaa, islamarkaana ay cadaadis iyo cambaareyn kala kulmeen gudaha dalka iyo dibadda.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Soomaaliya oo kulan aan caadi ahayn la isu’gu yeeray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this