Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneraalo ka digay in Faransiiska uu ka qarxo dagaal sokeeye oo dhimasho sababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Jeneraalo hore oo ka digay in Faransiiska uu ka qarxo dagaal sokeeye oo dhimasho sababa

french.jpg

Dowladda Faransiiska ayaa cambaareysay warqad furan oo ay saxiixeen askar, taas oo lagu sheegay in dalka uu wajahayo “dagaal sokeeye” xagjirnimo diimeed darteed.

Qiyaastii 1,000 asakri oo rag iyo haweenba leh, oo ay ku jiraan 20 jeneraallo oo hawlgab ah, ayaa magacyadooda ku qoray warqadda.

Warqadda ayaa waxaa eedeynta dusha looga tuuray “xisbiyada xagjirka ah” abuurista kala qeybsanaanta udhaxeysa beelaha, waxaa sidoo kale warqadda lagu sheegtay in Islaamiyiinta ay la wareegayaan dhamnaan qeybaha dhulka shacabka.

Wasiirada way cambaareeyeen fariintan oo lagu daabacay majaladda xisbiga midigta.

Warqadda waxaa markii ugu horreysay la daabacay 21-kii Abriil – sannad-guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay afgambigii dhicisoobay.

Saxiixayaashu waxay yiraahdeen “Xaaladdu way adagtahay, Faransiiskana khatar buu ku jiraa”.

Hogaamiyaha midigta-fog Marine Le Pen, oo ah musharax u taagan doorashada madaxtinimada ee sanadka dambe, ayaa ka hadashay taageeridda jeneraalladii hore.

Laakiin wasiirka masuulka ka ah ciidamada qalabka sida, Florence Parly, ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay: “Laba mabda ‘oo aan la beddeli karin ayaa hagaya tallaabada xubnaha millatariga ee ku aaddan siyaasadda: dhex-dhexaadnimo iyo daacadnimo.”

Waxay mar sii horreysay ka digtay in saxiixayaasha wali u adeegaya millatariga lagu ciqaabi doono ka hor imaanshaha sharciga u ee ah inay siyasadda dhexdhexaad ka ahaadaan.

Maxay warqaddu sheegaysaa?

Waxay uga digeysaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, dowladiisa iyo mudanayaasha baarlamaanka “khataro badan oo halis ku ah Faransiiska, oo ay ku jiraan “Islaamnimada iyo soogalootiga fuqarada ee ku hareereysan magaalooyinka Faransiiska.

.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen dowladda inay dooneyso in booliska ay u isticmaasho sida “wakiilo dabadhilifyo ah” iyagoo si naxariis daro ah u cadaadinayay mudaaharaadyadii jaakadaha jaallaha ahaa ee sanadihii la soo dhaafay ka dhacay dalkaasi.

Si kastaba ha noqotee, warqadda la qoray gabi ahaanba waxa ay calaamad u tahay waqtiyo qatar ah, iyo taageerada Marine Le Pen waxayna ka dhigan tahay in mowduucyadu ay sii socon doonaan sannadka ololaha ee soo socda, ayuu yiri wariyeheenna.

Sidee ayay dowladda uga falcelisay?

Xubnaha militariga Faransiiska, ha ahaadaan kuwa hadda shaqeeya ama kuwa hawlgab ahba, waxaa laga mamnuucay inay soo bandhigaan fikradahooda dadweynaha ee ku aaddan diinta iyo siyaasadda, Ms Parly waxay ku baaqday in la ciqaabo kuwa saxiixay warqadda.

“Kuwa jabiyay waajibaadkooda, cunaqabateyn ayaa loo qorsheeyay, hadii ay jiraan ciidamo shaqeeya oo kamid ah saxiixayaasha, waxaan madaxa shaqaalaha ee ciidamada qalabka sida ka codsaday inuu adeegsado xeerarka ciqaabta ee milatariga.”

Ms Parly waxay tusaale u soo qaadatay kiiska Jeneraal hore oo ka tirsanaa ciidamada oo laga eryay militariga ka dib markii uu ka qeyb qaatay mudaaharaad looga soo horjeeday muhaajiriinta Calais.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this