Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo loogu hanjabay in Sirro “Macluumad & xoggo” laga faafin doono

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka oo loogu hanjabay in Sirro “Macluumad & xoggo” laga faafin doono

 

usa.jpg

Waaxda Booliiska Magaalada Washington ayaa sheegtay in boggooda lagu jabiyay weerar dhanka internetka ah oo lagu bartilmaameedsaday, sida ay ku warantay warbaahinta Mareykanka.

Koox madax furasho ah oo la yiraahdo Babuk ayaa lagu soo warramayaa inay ku hanjabayaan inay sii deyn doonaan xog xasaasi ah oo ku saabsan xogaha booliska haddii aan lala soo xiriirin muddo saddex maalmood gudahood ah.

FBI-da ayaa baareysa inta uu gaarsiisan yahay xadgudubka, warbaahinta Mareykanka ayaana tabisay, iyadoo soo xiganeysa waaxda booliska Washington.

Madax furshada noocan ah waxaa loo isticmaalaa in lagu jajabiyo shabakadaha kombiyuutarka lagana xado macluumaadka.

Weeraryahannadu waxay bartilmaameedsadaan shirkadaha ama hay’adaha waxayna xiri karaan nidaamyadooda, ka dibna waxay dalbadaan lacag aad u badan.

Isniintii, waaxda booliska magaalada Washington ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay “inay ka warqabto dhacdadaan”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AP.

“Inta aan go’aamineyno saameynta buuxda oo aan sii wadno dib u eegista waxqabadka, waxaan FBI-da kala shaqeynay inay si buuxda u baarto arintan,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo aan la bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan jabinta la soo sheegay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this