Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu madaxweyne Farmaajo kaga hadlay khudbaddiisa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo Caawa khudbad ka jeediyay Telefishinka dowladda, ayaa soo dhoweeyay go’aanka Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ee ku aaddan in lagu laabto heshiiskii 17-kii September, si dalka doorasho looga qabto.

Madaxweyne Farmaajo, wuxu sheegay in uu diyaar u yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho nabdoon oo wakhtigeeda ku qabsoonta, balse wuxu tilmaamay in taas ay diidan yihiin shakhsiyaad gaar ah iyo dowlado shisheeye, oo uusan magacaabin, kuwaas oo dalka burbur iyo fowda la doonaya.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasilooni-darro, oo ay ku jiraan siyaasadaynta ciidamada iyo kala qaybinta bulshada.

Mudane Farmaajo, wuxu sidoo kale sheegay in uu Sabtida Baarlamanka hor-tegi doono, si dalka loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee 17-kii September 2020 lagu heshiiyay, kaas oo ahaa doorasho dadban.

Halkaan ka daawo Khudbadiisa

PUNTLAND POST

The post Muxuu madaxweyne Farmaajo kaga hadlay khudbaddiisa? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this