Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo taageeray go’aanka Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ammaantay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle inay kasoo horjeesteen muddo korodhsiga, ayna ku taageerene heshiiskii 17-kii September.

Fariin lagu qoray barta twitter-ka ee safaaradda Maraykanka ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo jidka cad ee wada-hadalka iyo nabadda, sida lagu sheegay farriintaas.

Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa isna farriin uu ku qoray bartiisa twitter-ka waxa uu ku ammaanay dhiirranaanta ay muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maamullada ee ku saabsna in doorasho wadar oggol ah ay waddanka ka dhacdo.

Berlanga ayaa sheegay in gacan ka hadal aysan meel uga bannaanayn Soomaaliya, jidka keliya ee bannaana uu yahay wadahadal.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka iyo Midowga Yurub oo taageeray go’aanka Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Rooble appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this