Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in dalku doorasho aaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa isna ka horyimid mudda kororsiga rabshadaha horseeday, ee loo sameeyay hay’adaha dowladda Federaalka.

Qoraal uu soo saaray Ra’iisul wasaare Rooble, ayuu kaga horyimid mudda kororsiga dowladda, waxaana uu taageero buuxda u muujiyay mowqifka dowlad goboleedyada diiday mudda kororsigaas.

Ra’iisul wasaare Rooble, wuxu sidoo kale ballan-qaaday, in uu dalka ka hirgelinayo doorasho loo dhanyahay oo ku salaysan heshiiskii 17-kii September ,kaas oo dhexmaray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka.” Ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda islamarkaana ku ekaadan guryahooda.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in dalku doorasho aaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this