Sign in to follow this  
Deeq A.

Labadii Maamul Ee Taageersanaa FARMAAJO Oo Si Rasmi Ah Uga Soo Horjeestey Muddo Korodhsiga Labada Sanno

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-War saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa waxay si cad u sheegeen inay tahay doorashada lagu heshiiskii 17 September, iyagoo ka soo horjeestay muddo korodhsigii labada sanno

War Saxaafadeedkan ayay maamulada Hirshabelle iyo Galmudug si rasmi ah ugu caddeeyeen inay ka soo horjeedaan muddo korodhsiga labada sanno ayna ku baaqayaan in dib loogu laabto wadahadaladii doorashooyinka kuwaasoo ku salaysan heshiiskii September 17.

Warkan ka soo yeedhay labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waxa uu dharbaaxo kulul ku yahay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka Galmudug iyo Hirshabelle.

178436978_4274855982548508_3396207078789 179099527_4274856115881828_1490211821802

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this