Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Sharmaake oo isweydiinaya, Talaabada xigta, maadaama Beesha Caalamku ku guul daraysatay dhowr isku day..

Recommended Posts

Deeq A.   

Maalmahaan waxaa soo badanaya walwalka ay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku IC ay ka qabaan Xaalada Siyaasadeed iyo mida Amni ee Soomaaliya, kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ku guul daraystay in uu Dalka gaarsiiyo Doorasha ama uu Heshiis la galo Saamilayda Siyaasada, tasoo hor seedet kacdoon hubaysan oo walwal badan laga muujiyay.

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake ayaa iswaydiinaya Talaabada xigta ka dib markii ay Beesha Caalamku ku guul daraysteen sadex talaabo oo la isku dayay in ay Dalka Doorasho uga dhacdo.

Qoraal kooban ayuu ku yiri sidaan


Saddex istiraatiijiyad doorasho oo Beesha Caalamku ay isku dayeen ayaa lagu fashilmay in laga gaaro natiijooyin,

  • Mida hore waxay ahayd oo Beesha Caalamku isku dayeen, Qanacsanaan taas oo macnaheedu ahaa in lala socdo himilada DFS lana siiyo wakhti, waa lagu guul daraystay,
  • Midda labaad waxay ahayd goosasho taasoo loogu talagalay in lagu cadaadiyo Raysal wasaaraha si uu hoggaanka u qabto, taasna waa lagu fashilmay
  • Ugu dambeyntii waxay u muuqatay In diirada la saarey sidii is afgarad u dhexmari lahaa Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, taasna waa lagu kala tagay
  • Marka maxaa xigi kara

Inkastoo hada Xaalku isbadalay hadana wali waa la iswaydiinayaa talaabada xigta ee ay qaadayso Beesha Caalamku, Way adagtahay in shirar la isugu yimaado xiligaan waayo Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey waxay si wayn ugu fashilmeen Amaanka Caasimada, waxaana god dheer ku dhacay aaminaadi Amni ee lagu qabay Ciidamada Ka Amar qaata Saraakiisha daacada u ah Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi. Marka sow lama gaarin Xiligii si toosa loo abaari lahaa Xalka rasmiga ah. Laga taber Kampala Accord cusub!!!!!

Puntlandi.com Muqdisho

708FF1BB-AB61-4A04-8B5F-E667BA24597D.jpe

The post RW Sharmaake oo isweydiinaya, Talaabada xigta, maadaama Beesha Caalamku ku guul daraysatay dhowr isku day.. appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this