Deeq A. Posted April 27, 2021 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa aad loo adkeeyey Amaankeeda, Awoodii ugu weynayd ee Ciidamada Dowlada ayaa la isugu keenay, Ciidamada ku sugan Madaxtooyada waxaa Labadii maalin ee lasoo dhaafay la shan jibaaray Ilaalada Madaxtooyada, Ciidamadaan dheeraada ah ee Ilaalada ka noqonaya Madaxtooyada ayaa ah kuwo lasoo xulay oo idlamarkaas ku hubaysan hubka ugu culus ee Ciidamada Soomaaliya la siiyay. Wararka ay Puntlandi.com helayaan Ciidamadaan waxay sitoosa uga amarqaataan Janaraal Biixi, Shaqada loo xilsaarayna waa inay 24 ka saac ay ilaaliyaan Madaxtooyada. Mid kamida Askartii dhowaan kasoo goostay Ciidamada Dowlada oo iminka ku sugan Garowe ayaa Puntlandi.com u sheegay in Ciidamadii uu isagu ka tirsanaan jiray ay shalay soo gaareen Madaxtooyada si loogu xoojiyo Ilaalada Madaxtooyada, Xiriir uu la sameeyay Asxaabtiisa ka tirsan Ciidankaan waxay u sheegeen in lagu qalabeeyey hub iyo Haadiidka Turkiga. Culayska soo foodsaaray Villa Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Ciidamo farabadan oo ka soo horjeeda Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ay soo galeen Magaalada Muqdisho kuwasoo qaarkood qarka usoo fuuleen Madaxtooyada, Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamadaan gadoodsan ayaa iqaarkood ku hanjabeen iney u dhacayaan Villa Soomaaliya. Waa markii u horaysay mudo 30 Sano ah Madaxweyne Soomaaliyeed oo ku ka titsanaa Xooga Dalka kuwasoo sababay in Madaxweynihii uu isaga cararo Dalka. Puntlandi.com Muqdisho The post Villa Soomaaliya oo la keenay Ciidankii ugu badnaa appeared first on . Source Share this post Link to post Share on other sites