Sign in to follow this  
Deeq A.

António Guterres: waa in deg deg loogu laabto wada-xaajood ku salaysan Heshiiskii doorasho ee 17-kii Sebtember

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa walaac xooggan ka muujiyay dagaallada hubaysan ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhex maray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.

War ku qoran Af-Soomaali ,oo ka soo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in Mr. Guterres uu dhinacyada ugu baaqay, in ay ka joogsadaan rabshado dambe, islamarkaana khilaafkooda ku xalliyaan wada-hadal iyo tanaasul.

Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul.”

Xoghayaha Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay, in ay dib ugu laabtaan wada-xaajood ku salaysan Heshiiskii doorasho ee 17-kii September, si loo xalliyo muran ka taagan Arrimaha doorashooyinka dalka.

“Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo.”

Baaqa Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmay, xilli weli xiisad colaadeed ka aloosantahay magaalada Muqdisho, kadib iska hor-imaadyadii ka dhashay mudda kordhinta hay’aha dowladda Federaalka.

PUNTLAND POST

The post António Guterres: waa in deg deg loogu laabto wada-xaajood ku salaysan Heshiiskii doorasho ee 17-kii Sebtember appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this